Walaal, waligaa ha ka quusan naxariista Alle. 🤲
Marka ay noloshu kugu adkaato, marka aad murugaysan tahay, ama aad weydo qof ku fahma, gacmahaaga kor u qaad oo Alle bari.
Alle wuxuu og yahay waxa qalbigaaga ku jira, xitaa waxyaabaha aadan awoodin inaad dadka u sheegto.
Ducadaada ha ka quusan, hana ku degdegin jawaabta.
Alle ku kalsoonow, samirna yeelo.
Rabbiyow, dembiyadeenna dhaaf, qalbiyadeenna deji, dhibaatadeenna naga qaad, kheyrkana nagu arsaaq. Aamiin. 🤲
0 Comments